maamulka SOMALILAND ee loo dhanyahay madaxana uu u yahay DAHIR RIYAALE,labo soo kala doorta.
1-ama ciidamada hadafkooda si dhaqsaa ha u gaareen oo dagal ha galeen.
2-ama ciidamada iska fadhiya duleedka laascaanood ha laga faaiideysto e dib u soo celiya.
labadaas wax ka dhaxeeya ma jiraan.
beesha laascaanood waa kala qeybsantey hal meel ha iskugu tagto danaheedana ha qabsato laakiin laga wanagsan in ciidamo la dul dajiyo beesha cabsi galiya dadka ku dhaqan magalada iyo reermiyiga xoolo dhaqatada ah ee duleedka degan.
ciidamadan labada sano iska fadhiyey meesha hadii wadanka ay ka sheqeynlahayeen oo reer miyiga ceelal biyaha u qabta xiliga roobabka u qodi lahayeen wadooyinka wadanka dhisi lahayeen inta ay majarafado qaataan,taas aya wax tar noqon lahayd,laakiin xuduud lagu sii socdo 3sano ciidamadana lacag ku baxdo,raashin iyo qaadna meesha loogu geeyo anigu waxa aan u arkaa,aqli AFRICAN.
beesha DHULBAHANTE waa ka baxeen dhaartii iyo nabadgelyadii lakala saxiixdey,waxayna ka doorbideen TOLAAY way jiraan dad daacad u ah maamul in la sameysto laakiin magalada waxa ay gacanta ugu jirtaa ciidamada C/YUSUF,dadka deeganka degana waxa ay ku jiraan gabalka markuu dhaco magalada cid ma socon karto,iyaga ayeyna jirtaa hadey DHULBAHANTE yihiin sida ay ka yeelayan,waxase aad u xun in labada dhinacba ciidamo is hortaagan yihiin,aan mofqif iyo hadaf toona laheyn,beeshana ku soo kordhinaya colaad iyo dagal iyo baqasho aan joogsaneynin.
DAAHIR RIYAALE waxa aad tiri ma rabo in ay dhibaato iyo dagal gaaraan dadka LAASCAANOOD sababta aad dagal u gali weydey,hadad sidaas garatey ciidamadada meesha iska fadhiya ee qayila la soo noqo,reermiyiga reer SOMALILAND ha u dhiseen ceelal biyaha laga cabo,tuulooyinkana ha ka dhiseen iskaa wax u qabso iskuulo loogu dhisyo,kharashkoodana waxa bixinaya dadka dibadaha jooga,mar hadii colaad aaney jirin waa in ASKARTU ka hool gashaa wadanka gudihiisa iyaga oo dhisaya,ciidamadu maha kaliya in ay qoriga qaatan waa in ay wadooyin jeexaan iyo bariishyo.
beesha DHULBAHANTE waa in la weydiiyaa meesha u danta ah go-aana ka soo gaaraan mudo bil ah,looma baahna dad laba dhinac ka ciyaaraya horumar aya loobahan yey hadey doonayan in ay PUNTLAND ku biiraan waa in la jeexaa xuduud cusub oo u dhaxeeya deegaanka H/JECLO IYO DHULBAHANATE,ka dibna lagu wada noolada sidii labo dad ah oo jaarnimo iyo walalnimo ka dhaxeyso iyaguna ku foofaan danahooda inaguna ku foofnaa danaheena isjiid jiid danbe ma jirayo qolo kastana yaan laga qaadin xoriyadooda laakiin yaan wax la isku dhex qaldin.
DAAHIR RIYAALE sadexsano oo bilaa wax qabasho ah ayey ciidamadaadu dul jiifaan LAASCAANOOD waa in aad go-aan kama danbeys ah ka gaartaa ciidamadana ka shaqeysiisaa ileyn mushaharo ayey qaatane wadooyin barkado dhinaca xeebta miyiga magalooyinka intuba waxa ay u bahanyiin in ciidamadu wax ka dhisaan,qoryahana laga dhigo anigu ma arko cid cadoow ah oo qoryo loo sito,difaac ayanu ku jireynaa waa fuleynimo sidaasi ma aha sida ciidamada lagu taba baro,hub la iska haysto oo la sugayo inta laga soo weerarayo,taasi hadal maha.
waa in dowlada la fadhiisata nimanka dhalasho ahan ka soo jeeda LAASCAANOOD go-aan dhaqsana laga helaa in meesha dagal lagu qaado nimankan HARGEYSA jooga ee dhulbahantena loo gacan galiyaa LAASCAANOOD taas hadey diidaan waa in ay HARGEYSA iskaga baxan oo GAROOWE tagan lacagta GAROOWE ka soo ururiso dadkeeda waa in ay mushaharo u doontaan,meeshan axdi iyo dhaar aya la galay DHULBAHANTENA waa ka baxay axdigii,markii GARXAJIS 1993 LA ISKUGU TAGEY WAXA LA LAHA AXDI AYEY KA BAXEEN HADANA WAXOOGA DHULBAHANTE AH OO QABIIL QAADEY AYA AXDIGII DHAARTA KA BAXAY IYAGANA WAA IN LAGA YEELAA SIDII DAGALKA LOOGU WADA QAADEY GARXAJISKA OO KALE,LAGANA SAFEEYAA LAASCAANOOD.
go-aan kama danbeys ah DAAHIR RIYAALOOW gaar.
wax xumana ama aan is leeyahay beesha DHULBAHANTE ku kici ma wato waxanse diidanahay sida beeshu u nooshahay iyo wiilashoodan yaryar ee qoriga lagu habsaminayo,reermiyiga xoolahooda ka daaqsan la hubka deeganka la dhigay.
deeganka LAASCAANOOD dadka u dhashey qaas ahan dibad jooga sidan isku dhama laga wanagsan in laba ciidan qolada ay doonan ha ahadene ay iska joogaan dhulkiina,idinkuna aad ka raali tihiin,rag aya ilahay idinka dhigay go-aan gaadha,waxana wax lagu dhameyn kara waa wada hadal,xiligii qasabka waa dhamatey hadii DHULBAHANTE leeyahay waxa aanu dooneynaa PUNTLAND adeerayal dadka ha la weydiiyo dhinaca ay doonayan cod ha la qaado,meeshii dadku u badnadan ha loo ogalado,ciidamadana ha lagu kala celiyo meelaha ay ka yimadeen.
labada ciidan 3sano ayey is hortaagnaayeen dadka deeganka degan maxay u qabteen,reermiyiga meesha degan ma u qodeen wax ceelal ah,ciyaalka tuulooyinka degan iskuulo ma u dhiseen waaaaaaaa maya,aan colaad ka ahayn iyo dib u dhac.
ciidamadani waxa ay kala fogeynayan dadka walalaha ah ee wada dhashey.
HARGEYSA waxa jooga niman DHULBAHANTE ah oo leh waa in xuduuda u dhaw GAROOWE la soo taabtaa,nimankale oo DHULBAHANTE ah aya iyaguna jooga GAROOWE iyaguna waxa ay leeyihiin deeeeee waa in la soo tabtaa xuduuda u dhaw BURCO.
anigu waan ka yaabanahay waxa meesha ka socda yaabka yaabkiis.

